Ma ogtahay bartii wali way bugtaa
Ma ogtahay bogii wali waa bast
Halkaad iga baxdaa wali sii banaan
Wuu baaqayaa beerkii Kuu nuglaa
Ma ogtahay bartii wali way bugtaa
Ma ogtahay bogii wali waa bast
Halkaad iga baxdaa wali sii banaan
Wuu baaqayaa beerkii Kuu nuglaa
Bishimuhu ma dayn wali baafint
Kama bixin qalbiga wali boogihi
Waan baydadaa oon beeraqaa
Hurdo kama bogtee waan boodayaa
Bishimuhu ma dayn wali baafint
Kama bixin qalbiga wali boogihi
Waan baydadaa oon beeraqaa
Hurdo kama bogtee waan boodayaa
Adigaa I baday baaxaa -dagoo
Adigaa bartaa lahashada barroo
Adigaa badhkay la baqoolay oo
I baxnaanidii Ka bax maanka yidhi
Adigaa I baday baaxaa -dagoo
Adigaa bartaa lahashada barroo
Adigaa badhkay la baqoolay oo
I baxnaanidii Ka bax maanka yidhi
Barigaad ogayd balankaan lahayn
kama burin kashee barbarkaan haya
Adaa been ka dhigay jacaylkii bilnaa
Oo dhigay banaan naftii kuu baneyd
Barigaad ogayd balankaan lahayn
kama burin kashee barbarkaan haya
Adaa been ka dhigay jacaylkii bilnaa
Oo dhigay banaan naftii kuu baneyd
Barkaad qaadatuu barkiisi taboo
Waa baylahaa boholyow wadnuhu
Biyo iyo baadkii naftii way nacdoo
Bu da iyo indhuhu daraadaa burqade
Barkaad qaadatuu barkiisi taboo
Waa baylahaa boholyow wadnuhu
Biyo iyo baadkii naftii way nacdoo
Bu da iyo indhuhu daraadaa burqade
Adigaa I baday baaxaa -dagoo
Adigaa bartaa lahashada barroo
Adigaa badhkay la baqoolay oo
I baxnaani dii Ka bax maanka yidhi
Adigaa I baday baaxaa -dagoo
Adigaa bartaa lahashada barroo
Adigaa badhkay la baqoolay oo
I baxnaani dii Ka bax maanka yidhi